Waa la badalay Injilka! Maxuu Sunnaha uu ariinkas ka qaba?

Qoraalkaygii hore  waxa aan eegay waxa uu Quraanka ka leeyahay waxaygii Tawreed, Sabuur iyo Injiilka ee hada loo yaqaan Kitaabka Quduuska ah.  Waxa aan dareemay in Quraanka markii Nabi Maxamed (NNKH) lagu so dejiyeey waxayiga in dadka aaminsana waxaygi Injiilku aay wali ahayeen dad Ilaahay (Swt) rumeysan ( Taasi oo ka dhigan inaan wakhatigaas aan la badalin) taasi oo aheyd ilaa 600 AD.

Xatta sida Quraanka karimka ah ku cad waxa aay ayadaha Ilaahay (Swt) cadeynayaan in uu Injiilku yahay ereyga Ilaahay (Swt) taasina aan qof shaqsiyada anu badali karin. Haddii aan rumeysano ereyga Ilaahay (Swt) waxa aay ka dhigan tahay inaan cidina bedali karin waxyiga Ilaahay uu isagu Ilaashanayo sida Quraanka oo kale  , waxayiyadii ka horeyeey sida Tawreed, Sabuur iyo Injiilka.

Waxaan doonayaa inaan sii daraasadeeyo  arinka uu Sunnah Rasuulka (Cs) uu ka qabo ariinkan.  Ka fiirso sida  Axadiista soo socota aay u xaqijinayso jirtaankii Tawree iyo Injiil  wakhtigii uu Nabi Maxamed (NNKH) io istimaalkoodiba.

“Khadija [ xaaskiisa ] markaas isaga la socday [Nebiga – NNKH]  ina-adeerkrrd Waraqa … , kaas oo , inta lagu jiro xilliga Islaamka ka hor wuxuu noqday Masiixi oo waxa uu isticmaali jiraay ku qoro qoraal ama xarfaha Cibraaniga ee Yahuuda . Waxa uu qoralka ku turjumi jiray sida Injiilka afka Cibraaniga sida uu Ilaahay (Swt) uu ka raalida yahay .” Al- Bukhari Vol 1 , Kitaabka 1 , No 3

Waxa uu Abuu Hurayrah (A.K.R.)wareyiyeeya :.. Dad eheludiinku waxa aay akhrisan jireen Kitaabka Tawreed oo ku qorna afka Cibraaniga ee Yahuuda waxana dadka Muslimiinta ah loogu fasiri jiray afka Carabiga . Markaas ayaa  Rasuulkii yidhi, ” Ha rumaysaniina  ehelu Kitaabka ah , hana  beenina iyaga ama ha rumeysan waayina ,laakin  waxaad dhahdaa waxaan rumaynay Eebe iyo wax kasta oo uu nagu soo Dejiyey … ‘ Al- Bukhaari Vol 9 , Kitaabka 93 , No. 632

Yuhuuddu waxa ay u yimaadeed  Rasuulka  Eebe  waxayna u sheegen in nin iyo qof dumar oo iyaga ka mid ah aay isksutaggeen galmo sharci-darrada ah . Kadib Rasuulki Eebe wuxuu iyagii ku yidhi , ” Maxaad ku qoranTawreed oo ku saabsan ciqaabta sharciga ah ee Ar- Rajm ( dhagax lagu dilo ) ? ” Waxay ku jawaabay , ” (Laakiin ) waxaan ku dhawaaqi  dambigooda oo waa la shabuugayn . ” Abdullah bin Salam  ayaa ku yidhi, ” Waxa aad sheegaysaan been ; Tawreedka waxa ku qoran amarka Ar- Rajm . ” … Aayadda ee Rajm halkaas ayeeyku qorantahay . Oo waxay ku yidhaahdeen , ” Muhammad ayaa u sheegay runta ; Tawreed waxa ku jirta  Aayadda Rajm . Al- Bukhaari Vol. 4 , Kitaabka 56 , No. 829 :

Waxa so wariyeey Cabdillahi Ibnu Cumar :..  Koox Yuhuudda ayaa u yimid oo casuumay Rasuulka Allah ( NNKH) in Quff . … Waxay yirahdeen: ” AbulQasim , mid naga mid ah ayaa ka sinaysatay qof dumar ah ;  marka waxan doonayna inaad iyaga kala saarto ‘ . Waxay meeshaas barkin  u dhigeen Rasuulka (SCW) oo ku fadhistay oo wuxuu ku yidhi : ” keena Tawreed ” . Markaas ayaa loo keenay . Ka dibna barkinti ayuu ka kacay oo saaray Kitaabka Tawreed: ” . Waxaanu yidhi waxan rumeysanahay idinka iyo kan inugu so waxyooday oo Rabiga,” sunankiisa Abu Daawuud Book 38 , No. 4434 :

Waxa soo wariyeey Abuu Hurayrah (A.K.R.): Rasuulkii Allah ( NNKH) ayaa yiri : maalintii ugu wanaagsan ee qorraxdu soo baxdo waa Jimce , oo maalintaas ayaa Aadan l;a abuuray, … .Ka’b yiri : Taasi waa hal maalin sannad kasta . Sidaas waxaan ku idhi : Waa Jimce kasta . Ka’b akhriyeey Tawreed oo wuxuu ku yidhi : Rasuulkii Allah (NNKH)  runta ayuu ku hadlay. Sunankiisa Abu Daawuud Book 3 , No. 1041

Xadiiskan aan lagu murmeyn ee saxeexah waxa uu ino sheegaya dabeecadii Maxamad ( NNKH) sida uu Kitaabka Quduuska ugu dhaqmi jiray. Xadiiska ugu horeyaa waxa uu ino sheegaya jiritaanka Injiilka markii ugu horeysay ee uu waxyiga Ilaahay (Swt) uu ku so dejiyeey isaga. Xadiiska labaad waxa uu inoo sheegay sida Yahuudu aay cibraaniyada luuqadooda aay Tawreeda ugu bari jireen bulshada Muslimiintii ugu horeysay. Nabiga (NNKH) kamu murmi jirin jiritaanka kitaabadii isgaa ka horeyaay, laakiin waxa jiray kala duwanaansho ( Taasi oo aheyd in la cadeeyo ama la dafiro) sida aay ugu macneeyan lugada carabiga.  Labada Xadiis ee ugu danbeeya waxa aay ino sheegayan in Nabi Maxamad (NNKH) inu isticmaali jiray Tawreed xiligiisii taasi oo uu ku go’aan qaadan jiray.  Xadiiska ugu danbeeya waxa uu inoo sheegaya in Tawreed, sida ku qoran aay tahay in la abuuray ninki ugu horeeyay aduunka oo ah Aadan (Maalin Jimce ah).  Dhamaan axdiista aan soo aragnay oo dhan midna wax yar oo madmadowi kuma jiraan ama sheegaya in Kitaabka Quduuska ah la badalay ama la musuqmasuqay. Waxa lo isticmalaa codsiyada ama arimaha bulshada.

Qoraalladii dhawaa ee Injiilk ( Axdiga Cusub)

Waxan haysta buug ka hadlaaya dukumentiyada Axdiga Cusub. Waxa uu ku bilawoda sida tan:

 “ Buugani waxa uu ina tusinayaa 69 qoraaladii kuwi ugu horeyeey Axdiga Cusub oo luqada kala duwan ku qoran… kuwasii oo aha ilaa qarniga 2baad ama bilowgii qarnigii 4aad  ( 100-300 AD)…Kaasi oo ka koobaan 2/3 Axdiga Cusub qoraallkiisa”  (P. Comfort, “The Text of the Earliest New Testament Greek Manuscripts”. Preface p. 17. 2001).

Tani waa muhiim waayo qoraalladanii waxa aay yimaadeen Boqortooyaddii Roomaniyinta ee Konistitina ninki la odhan jiray uu hoogaminayeey ee ( ca 325 AD ) , kaasii oo inta badan lagu eedeeyay inu beddelaay qoraalka Kitaabka Quduuska ah. Haddii uu isgu badeley qoraalka oo isaga ka horreeyey (Waayo wakhatiga uu yimid isagu waay jireen kitaabtu)  hadii aay inu is barbardhigno qoraalka  waxa jiraa Kitaabka Quduuska ah oo dhamaystiran xatta inta aanu Nabi Maxamd ( NNKH) anu iman.  Waxaa ugu caansan Codex Sinaiticus ka ( ca 350 AD ) iyo Codex Vaticanus ( CA 325 AD ) .

Kuwani oo kale kumanaan qoraalladii ka horeyeey 600 AD waxa aay ka yimaadeen qaybo kala duwan oo dunida ah . Fikradda ah Kiristanka ama Masiixyinta ayaa beddelaay qoraalka, kuwaasi wax macno ah ma sameyaan . Waxa suurtagalana mahaa, waayo, badalada la badlayo ereyga Ilaahay (Swt) wadamo badan kumay heeshiyeen, kumanany heshiiyeen qoraalka ama suurta gal ma ahateen in dhamaan aay isku raacaan fikrada ah waxa la badlayo iyo waxa kale. Xitaa haddii kuwa wadamada Carabtu aay sameeyeen bedelka , waxa aay ahaan lahayd in walalahooda kale uu qoraalku ka duwaanado, bal tuusale aan ka so qaadno wadanka Suuriya iyo Yurub, waxa aay ahaan lahayeen qoraal aad u kala duwaan maa dama dhaqanka Masiixiyinta Carabta Suriya iyo kuwa reer Yurub aay kala dhaqan duwanayeen in kasta oo aay isku diin rumeysanayeen. Laakiin Quraanka iyo axadistu aay cadeynayaan in qoraalka kitaaba Quduuska ah uu jiraay qiyaastii 600 AD ,Kitaabka Quduuska ah wuxuu ku salaysan yahay qoraal ka horeeyeey Islaamka, taasina waxa aay cadeynaysa inaan la badlain Kitaabka Quduuska ah ee maanta jira. Bal eeg wakhtiyada tariikhiga ah ee hoose ku qoran, waxa aay muujinaysa in qoraalada Kitaabka Quduuska ah aay tariikh  ka horeysay 600 AD tahay.

Qoraladdi ugu horeyeey nuqulo ka mid ah sida Tawreed iyo Zabur  xatta waxa aay ka horeyeen Injilka.  Qoraalada laysku soo uururiyeey ee loo yaqan , Badda Dhimatay qoraladeedii, waxa la helay 1948 ayaa laga helay Badda Dhimatay. Qoraladaan oo ka koobna Tawreed iyo Sabuurka oo la diyariyee 200-100 BC. Taasina waxa aat ka dhigan tahay in Nabi Muuse (NNKH) logu so dejiyeey Tawreed ila (1500 BC) xatta waxa aan haysana qoralda Tawreed oo xatta cadeynayaa inaay Nabi Isa Masiix (NNKH) aay ka horeyeen iyo Nabi Maxamadba (NNKH). Laakiin labadoduba midna muu beenini mana odhaniin waxba lag badaley Tawree iyo Sabuur marki aay dacwada baafinayeen ( Taasi oo qoraalada ku qoran Kitaabka Quduuska ah ee maanta aaynu haysana aay jireen wakhatigaasba) Xatta marka waxa aan hubna oo aa ammini karna inaan marnaba la badalin kitaabadii nabiyada sido kale. Fadlan sii aan xaga sayniiska aan u cadeeyo runtii in laysku halayn karo ( oo aan wax la badaly jirin) kitaabka Quduuska ah halkan riix.

Waxa uu Nabi Maxamed (NNKH) cadeyeey sida ku qoran sunnaha, iyo sida ku qoran Kitaabka Quduuska ah waxay dhamaan kuso gabagabeyeen qoraalkooda xatta uu ku jiro Quraanku- Inaan Kitaabka Quduuska ah la badali Karin lana musqmasuqi Karin.

Qoraaladii hore ee Bible maanta - ka waqti dheer ka hor

Qoraaladii hore ee Bible maanta – ka waqti dheer ka hor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *