Kitaabka Injiilka miya la badaley? Muxuu Quraanka Karimka ah ka Leeyahay ariinkaas?

Waxa aan leeyahay saxiibo fara badan oo Muslimiin ah. Waayo aniguba waxa aan ahay qof Ilaahay (Swt) yaqaana oo rumeysan, waxa anaan amiinsanahay Injiilka. Waxa aan inta badan saxiibahayga Muslimiinta ah ka wada sheekaysana amminaada iyo Iimaanka. Marka aad runtii eegto waxa yaabo fara badan ayaan iskaga mid nahay, in ka kabadan dadka reer galbeedka qaar ka mid ah oo Ilaahay (Swt)aan rumeysnayn ama aan u arag rumeysiga Ilaahay ( Swt) inu noloshooda sameyn karo.

Laakiin marka aay sheekooyin diinta kus saabsam na dhex maraan aniga iyo saxiibadeyda Muslim ka ah in aay ku andacoodan in Injiilka la badalay (Kitaabka Quduuska ah), ama la musuqmasuqay, arintaasina waxa aay tusaysa marka in Kitaabka Quduuska ah aan la aamini Karin oo khalad badanii ku jiro oo anay sax ahay waayo waxa lagu andacoonayaa in laga badalay sidi aay Nabiyaashi ama dadki Ilaahay (Swt) rumeysanayeen aay qoreen marku Ilaahay (Swt) uu uso waxyooday iyaga.

Tani waxa aay ka dhigan tahay inaanay ahayn arin yar oo fuduud, waayo macanaheedu waxa uu yahay inaan laba aamini karin Kitaabka Quduuska ah oo ah ereygiii Ilaahay (Swt). Anigu waxa aan akhriya Kitaabka Quduuska ah iyo Quraan Kariimka ah labadaba, waxa kale oo aan dhigta Sunahaa. Waxa aan aad ula dhakafara dadka ka shakisan Kitaabka Quduuska ah sida ugu badan aduunka maanta, laakin aad uguma dhakafaro Quraanka. Runtii, Waxa aan aad ugu dhakafaraa sida Quraanku uga hadlo Kitaabka Quduuska ah. Runtii waxa an raba inaan halkan ku so koobo waxa aan ugu jeedo waxan oo dhan aniga oo so xiganayaa Quraanka uu turjumay Yusuuf Cali).

Maxaa uu Quraanku kaga Hadlayaa Kitaabka Quduuska ah (Towreed, Sabuur iyo Injiilka).

Waxaad Dhahdaa Ehelu Kitaabkow waxba ma Tihidiin intaad ka Oogtaan Tawreed, Injiil iyo waxa Laydiinka soo Dejiyye Xagga Eebihiin (Quraanka) wuxuuna u Kordhin wax badan oo ka mid ah waxa Xagga Eebahaa lagaaga soo Dejiyey Xad Gudub iyo Gaalnimo ee haw murugoon qoomka gaalada ah. ( Suratul Maaidah: 68) ( waxa kale oo aad fiirisa Suratul an- Nisa, ayada 136)

 

Haddaad Shakisantahay waxaan kugu soo Dejinay warso kuwa Akhriya Kitaabka hortaa, waxaa kaaga yimid xagga Eebe Xaq, ee ha Noqonin kuwa Shakiya. (Suratul Yoonis: 94).

 

Tani waxa aay ku tusaalaynaysan in waxayiga uu Ilaahay (Swt) u dhibay ‘ Dadka Kitaabada rumeysan’ ( Sida Masiixiyinta ama Yahuuda) aay tahay waxay kayimd Ilaahay (Swt) .

Hada saxiibadayeda Muslimiinta ah waxa aaay yirahdaan tani waxa aay ka dhigan tahay waxayigii hore ee runta ah ee Ilaahay ( Swt) soo dejiyeey, laakiin hadi la badalay macnihii ereygii Ilaahay (Swt) soo dejiyeey waxa aay ka dhigan tahay inaan maanta laysku halayn karin Kitaabadii ka horeyey Quraanka. Laakiin qaybta labaad ee ayadaha kor ku xusan waxa aay sheegaysa oo aay cadeynaysa in uu eryega Ilaahay [Swt] yahay joogto ee aanu aheyn ficil tagay.

Kama hadlayso waxaygii asalka aha laakiin markii waxayigaa Quraanka uu yimid. Waxa Quraanka lagu soo dejiyeey nabi Muxammad [S.c.w] wakhati fara badan ilaa 600 A.D. Marka waxa aay ka dhigantahay in uu Kitaabka Quraanku cadeynayo in kutubada Yahuudu aay jireen xiligii 600 A.D kutubta kalena waa la mid. Halkan hoos ka eeg wixi cadeyna ah sida Quraanka ku qoran:

waxaan dirray hortaa Rag aan u waxyoonay, ee warsada kuwa cilmiga leh haddaydaan wax ogayn ( Suratul Al- Nahal 16:43)

 

Maanaan Dirin Hortaa Rag mooyee, kuwaas oon u Waxyoonay, ee Warsada kuwa Cilmiga leh Haddaydaan wax Ogayn (Suratul Al- Anbiyaa :7).

Ayaada sare ku xusan waxa aay ka hadlaysa Rasuuladii ka horeyeey Nabi Muxammad [ S.c.w] Laakiin waxa muhiim ah in ayaadu cadayensayso in fariinta loo soo dhibay Rasuuladii/ Nabiyaashii aay aheyn qaar la isticimalayeey oo la haystay ilaa (600 A.D) dadka rumeysna. Waxana cad inaan Nabi Muxammad [ S.c.w] anu badalin ama aanu musuqmasuqin waxaygii isaga ka horeyeey wakhatigaas uu joogay.

Quraanka Kariimka ah waxa uu cadeynayaa inaan ereyga Ilaahay (Swt) aan la badali karin.

Marka aan dareen weyn ka qaadan in suurta gal aay tahay in Kitaabka Quduuska ah la badali karo / ama wax aan ku jirin lagu dari karo ama laga saari karo taasi Quraanka kariimka ah ma cawinayoo ama ma tageerayo. Bal maskaxda ku ahaay Suratul Maaidah, ayada 68 ( Towreeda… Injiilka… inaay tahay waxayii xaga Ilaahay ( Swt) ka yimiid ee aanu bini’aadan soo dejiniin), fadlan bal akhri ayaad soo socoda:

Waxaa Dhab loo Beeniyey Rasuullo kaa Horreeyey waana ku Samreen wixii lagu Beeniyey waana la Dhibay intuu uga Yimaaddo Gargaarkannagu wax bedeli Hadalka Eebana ma jiro, waxaana ku soo Gaadhay Warkii Rasuuladii ( Suratul Al- Ancaam :34).

 

Waxay ku Taam Noqotay Kalimooyinka Eebahaa run iyo Caddaalad wax Badali Kalimooyinka Eebana ma jiro, Eebana waa Maqle og ( Suratul Al- Ancaam :115).

 

Waxaana u sugnaaday Bishaaro nolosha adduunyo iyo Aakhiraba, wax badali Kalimada Eebana ma jiro, taasina waa uuu Liibaanta wayn ( Suratul Yoonis :64).

 

akhri (oo raac) waxa laguu waxyooday oo kitaabka Eebahaa ah, wax baddali kalimooyinkiisana ma jiro, mana helaysid wax ka sokeeya ood magangashid ( Suratul Al-kaahaf :27).

Kadib, hadii aan ku heshiino Nabiyaashii [S.c.w] uu ku xigay Nabi Maxammad (S.c.w) in Ilaahay (Swt) uu u dhibay waxaygiisa sida ku qoran ( Suratul Maaidah: 68-69), oo aay ayadahanii in badan ku celcelinayaan in aan qofna ereyga Ilaahay (Swt) badali karin. Sidee ayeey ku dhacday in dad badan aaminan in qof shaqsiya ama dad aay badali karan Kutubta Ilaahay (Swt) sida Towreeda, Sabuur ama Injiilka ( kitaabka Quduuska ah)? Hadii aad Quraanka akhrido waxa aay ka dhigantahay inaad xatta dafirto Quraanka laftiisa oo ka hadlayaa inaan ereyga Ilaahay ( Swt) la badali karin.

Run ahaantii, fikrada ah in waxayiga Ilaahay (Swt) soo dajiyeey kuwi hore iyo kuwii danbe la kala sooco oo qar la yidha waa la badalay, taasi oo Quraanka ugu danbeyeey anu marna taagerayniin fikradaas.

waxaad dhahdaan waxaan rumaynay Eebe iyo waxa naloo soo dajiyey iyo waxa lagu soo dajiyay Ibraahim, Ismaeiil, Isxaaq, Yacquub. iyo Caruurtoodii iyo wixii la siiyay (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Ciise iyo wixi laga siiyey Nabiyadii (Kale) xagga Eebohood kala gaynamayno dhexdooda, waxaan u hogaansamaynaa Eebe ( Suratul Al- Baqarah: 136) ( Waxa kale oo aad fiirisa Al- Baqarah : 285).

Sidaa daradeed waa inaynaan kala soocin waxayiga Ilaahay (Swt) iyo Kutubtiisa. Waa inaan dhamaan wada barana oo aan akhrisana kutubtiisa. Runti, waxa aan kula taliyaa Masiixiyinta inay Quraanka bartan sido kale waxaan Muslimiinta kula taliyaa inay Kitaabka Quduuska bartaan.

Waxa aay u bahantahay in la barto Kutubta Ilaahay wakhti iyo dhiirigelin badan. Su’aalo fara badan ayaa ka so bixi. Runti waa arin faa’iido badan ino leh inta aan aduunka joogno in aan barano Kitaabada Ilaahay (Swt) ku so dejiyeey Nabiyashii oo dhan. Anigu hadii aan shaqsi ahaan iska hadlo in badan ayeey igu qadaatay inaan barto kutubta Ilaahay (Swt), su’aalo farabadana maskaxdeyda ayeey ku dhasheen, laakiin waxa weyn ayaan ka faa’iidaystay Ilaahayna (Swt) wuu igu barakeyeey.

Run ahantii waxa aan filayaa inaad wax badan ka baran doonto maqaalka shabakadan http://al-injil.net/. Laga yaabee in meesha ugu horeysa ee casharkaga aad ka bilaabi karta yahay maqaalka ah maxuu xadiiskii Nabi Maxammad (S.c,w) ka leyahay isticimaalka iyo barashada Towreeda, Sabuurka iyo injiilka ( Kuwaas oo marka laysku daro la yira Kitaabka Quduuska ah).