Hordhac: Qaabka Kitaabka Quraanka ah uga hadlaayo ‘ Injiilka’ isaga oo ku tilmaamaya inu yahay Ijiilku Mucjiso xaga Ilaahay (Swt) ka timid.

Marka aan Quraanka Karimka ah akhriyo wax yaabo badan ayaa qalbigayga taabata. Ugu horeyntii waxa jiray qoraal cad oo ka warbixinyaa Kitaabka Injiilka. Laakiin waxa kale oo jira naqshada toosa oo Kitaabka Injiilka ku qoran kuwaas oo aniga xiisa badan Ii galiya.

Hoos ayeey ku qorantahay ayaadahaa Quraanka ee ka hadlayaa Kitaabka Injiilka. Waxa laga yaaba inaad ogaato ayaadahaas oo aad ku faraxado sida aay aniga oo kale ii farxad geliyeen.  (Ayaadahan hoos ku qoran waxa aan ka so xigtay turjumaadiii Yusuuf Cali)

Wuxuu kugu Dejiyey (Nabiyow) Kitaabka (Quraanka) si Xaq ah, isagoo u Rumcyn wixii ka Horeeyey, wuxuuna soo Dejiyey Eebe Tawreed iyo Injiil (waqti).  Hore iyagoo Hanuun u ah Dadka, wuxuuna soo Dejiyey (Eebe) Furqaan (Quraanka) kuwa ka Gaaloobay Aayaadka Eebe waxay Mudan Cadaab Daran, Lebana waa Adkaade Aarsada. ( Suratul Aali- Cimraan, ayada 3-4)

Wuxuuna (Eebe) bari Ciise Kitaabkka, Xigmad, Towreed iyo Injiil. ( Suratul Aali- Cimraan, ayada 48)

Ehelu Kitaabow maxaad ugu murmaysaan (Nabi) Ibraahim, Tawreed iyo Injiil ba lama soo dejin gadaashiisa mooyee, meydaan wax kasayn. ( Suratul Aali- Cimraan, ayada 65)

Waxaana Raacsiinay Raadkoodii ciise Ibnu Maryama Isagoo Rumayn, wixii Hortiisa ahaa oo Tawreeda, waxaana Siinay Injiil oo Hanuun iyo Nuur ku Suganyahay, una Rumayn wixii ka Horeeyey oo Tawreeda Hanuun iyo Waanana u ah kuwa Dhawrsada. ( Suratul Al- Maaidah, ayada 46).

Hadday ku Camal falaan Tawreed, Injiil, iyo waxa looga soo Dejiyey Xagga Eebahoodna waxay ka Cuni lahaayeen Korkooda iyo Hoostooda, «barwaaqo» waxaa ka mid ah Umad Dhex dhexaysa wax badan oo ka mid ahna waxaa Xun Waxay Fali. ( Suratul Al- Maaidah, ayada 66).

Waxaad Dhahdaa Ehelu Kitaabkow waxba ma Tihidiin intaad ka Oogtaan Tawreed, Injiil iyo waxa Laydiinka soo Dejiyye Xagga Eebihiin (Quraanka) wuxuuna u Kordhin wax badan oo ka mid ah waxa Xagga Eebahaa lagaaga soo Dejiyey Xad Gudub iyo Gaalnimo ee haw murugoon qoomka gaalada ah. ( Suratul Al- Maaidah, ayada 68).

(Xusuuso) Markuu Eebe dhihi Ciise Binu Maryamow Xusuuso Nicmadaydii korkaaga ahayd iyo hooyadaaba markaan kugu Xoojinay Ruuxii Daahirka ahaa (Jibriil) ood kula Hadlaysay Dadka sariir-ilmood iyo adoo meel dhaxaada, iyo Markaan ku Baray Kitaabka iyo Xigmadda, iyo Tawreed, Injiil, iyo Markaad ka Yeelaysay Dhoobada Sidii Shimbir Idankayga ood Afuufaysay oy Noqonaysay Shimbir Idankayga, ood Bogsiinaysay indhoole Ku dhashe iyo Baras laha Idankayga, ood soo Bixinaysay Maydka Idankayga, Markaan kaa kaafiyey Banii Israa’iil markaad ula timid Xujooyin, oy Dheheen kuwii Gaaloobay oo ka mida kani waxaan Sixir ahayn ma aha. (Suratul Al- Maaidah, ayada 110).

Eebe wuxuu kaga gatay Mu’miniinta Naftooda iyo Xoolahooda inay janno u ahaato ku dagaallami Jidka Eebe oy waxna dili iyana la dili, waana yabooh ku sugan (dhaba) Tawreed iyo Injiil iyo Quraanka, yaa ka oofin badan ballankiisa Eebe ku bishaaraysta gadiddii ood gaddeen kaasina waa uun Liibaanta wayn. ( Suratu at-Towbah, ayada 111).

Muxammad waa Rasuulkii Eebe kuwa la jirana waa ku daranyihiin gaalada, dhexdoodana way isu naxariistaant waxaad arkaysaa iyagoo rukuucsan oo sujuudsan oo dalbi Deeqda Eebe iyo raalli ahaanshihiisa, Calaamadooduna wajigooday ka muuqataa, Sujuudda raadkeeda darteed, saasaana iagu tilmaamay Tawreed, Tilmaantooda injiil na waxay lamid yihiin Beer soo bixisay fiidda oo xoogaysatay oo si fiican u istaagtay layaabna galisay beertaha, si uu Eebe ugu Cadho galiyo gaalada, Eebe wuxuu u yaboohay kuwa xaqa rumeeyay ( Suratu Al-Faatixa, ayada 29)

Marka aan qoraalka Injiilka ka warbixino inaga oo ayaadaha ama tuusalaha Kitaabka Quraanka ah ka so qaadanyena waxa aad oganaysa inaan Injiilku kaligi aanu gooni isutagi karin. Tusaale kaste waxa aad arkaysa in ereyga ‘ Sharciga’ uu ka hordhacayo. Sidaa aad dareemi kartaan ereyga “ Sharciga’ waxa weeye Kitaabadii Muuse ( Calayhi Salaan), taasi oo Muslimiintu u taqaan ‘ Towreed’, Yahuuduna sida oo kale u taqaan ‘ Torah’. Waxa aad ogaan karta in Injiilku uu aad u cajiib yahay marka loo eego Kitaabada oo dhan waayo kitaabkaste wuu ku dhex jira amaantisa iyo wax kasheegisuba. Tusaale ahaan waxa aad qoraal ka warbixinaya Towreed iyo Quraanka oo mid kaste uu gooni uu is taagayo. Hoos ka akhri tusaalaha.

Waxaana Siinnay Nabi Muuse Kitaabkii (Towreed) Annagoo Dhammaystiri waxa wanaagsan, wax walbana Caddayn, Isagoo hanuun iyo Naxariis ah, inay la kulanka Eebahood Rumeeyaan. Kanna (Quraanku) waa Kitaab aan soo Dejinnay oo Barkaysan, ee Raaca Dhawrsadana in laydiin Naxariisto. (Suratul al-ancaam, ayada 154 ila 155).

Miyeyna Fiirfiirinayn Quraanka, hadduu ka yimid Eebe Agtiisa Meelaan ahayn waxay ka heli lahaayeen dhexdiisa is khilaaf badan. ( Suraat an-Nisaa, ayada 82).

Sido kale, waxa aaynu aragna marka uu Quraanku ka hadlo Kitaabka ‘ Injiilka’, waxa markaste waxa uu ka hadlaa ‘ Sharciga’ waayo Quraanku laftiisu waxa uu sida oo kale ka hadlaa waxayabaha ku qoran kitaabadii kale sida Towreed. Tanina aad ayeey u cajaa’iib badan tahay maxa yeelay Quraanku waxa uu ka hadla waxa ku qoran isaga oo aan qoraale ka warbixinahayn, Towreedna waa sido kale.

Waxa jiraa oo qudha naqshad aan ka helayno Quraanka oo keliya taasi oo ayaadaha soo socda aay ka hadli doonan Injiilka.

Markaasaan raacinnay Raadkoodii Rasuulladanadii, waxaana raacinnay Ciise Binu maryama, waxaana siinay Injiil, waxaana yeellay Quluubta kuwii raacay isudanqasho iyo naxariis iyo Ruhbaaniyad (Adduun ka jeedsi) ay iyagu billawdeen oonaan ku faral yeelin, doonidda raalli ahaanshaha Eebe dartiis yayna u faleen, mase ayna ilaalinin ilaalin xaq ah, waxaana siinnay kuwii rumeeyay oo ka mid ah ajrigoodii, wax badan oo ka mid ahna waa faasiqiin ( Suratul Al-Xadiid, ayada 27)

Ayaadahan sara ku xusan waxa aay ka hadlayaan Injiilka iyaga oo si aan toos aheyn uga hordhacahayn ‘sharciga’, Tanina waxa aay cadayenaysa u jeedada naqashada aaynu u jeedno. Ayaada kor ku xusan ee (26 [1]) ayaa si cad uga hadlaysa Nabi Nuux, Nabi Ibraahin iyo nabiyaal kale (Nabad iyo naxariisu kor kooda ha ahaadane). Kadibna ayaadahani waxa aay ka hadlayan ‘ Injiilka’. ‘Sharciga’ oo ah Towreedii Muuse (S.c.w) taasi oo inoo sharaxaysa Nabi Nuux, iyo Nabi ibraahin iyo Nabiya kale oo badan (NNKH).

Waa Mucjiiso anaga naga timid oo aan soo gaadhsinay Nabiyaasha ayuu Ilaahay leyahay (Swt)

Hadaba qaabkee ayaa mihiimba? Waxa laga yaaba in dad fara badani iska dhaga marayiin kala sooc la’aanta dhacdadan ama laga yaaba inaay Injiilka aaay si cadiya u qabaan. Anigu waxan Kitaabada u barta ama isku barbardhiga si qaabaysan oo dacaad ah. Marka waxa calamad ah inaynu raacno qaynuunka sida uu Ilaahay (Swt) uu shardiga inagaga dhigay. Waxa aan fahmi karna Injiilka marka hore marka aan barano kitaabka Towreeda ( Sharciga). Malaha waxa aad u qiima badan inaan Towreed akhrino si aan u barano ama u fahano injiilka. Waxa uu Quraanku inoo sheegaya in Nabiyaashi hore ( NNKH) inu Ilaahay laha waa calaamad anaga naga timid. Bal aad ugu firso ayaadaha soo socda waxa aay leeyihiin:

Banii Aadamow hadday idiin yimaadaan Rasuullo idinka mida oo idiinka warrama Aayaadkayga Ciddiise Dhawrsata oo Wanaag Fasha, Cabsi ma Saarra mana Walbahaaraan. Kuwa Beeniyey Aayaadkanaga oo iska Mibriya Xaggeeda kuwaasi waa Naarta Ehelkeeda wayna ku Waari. ( Suratul Al- Acaraaf, ayaad 35 ila 36).

Sida oo kale Nabiyaashii waxa aaay ahayeen calaamad xaga nolooshada iyo faarinta aay sidaam aheyd taasi oo ku socotay ilma Nabi Aadan oo inaga ah. Kuwa miyirka leh waay fahmi karaan calaamadaha. Waxa aan jecelahay inan marka hore barano Kitaabka Towreed inta anaan Kitaabka Injiilka u talaabin. Marka hore waa inaan barana calaamadaha aay Nabiyashii (S.c.w) in barane si aan jiidka toosan u marno.

Waxa ficaan inanu ka bilowno abuurki Aadan. Kadibna aan sii wadno barashada labadiisii wiil ee Habil iyo Qabil, iyo Nabi Nuux, Nabi Luud kadibna Nabi Ibraahin ( I, II, III). , Dabcan waxa laga yaaba inaad ka jawabi karto suu’aalaha ah in Kitaabadii Towreed, Sabuur, iyo Injiilka ee marka laysku so uruuriyee loo yaqaan ( Kitaabka Quduuska ah) in la badalay iyo in kale.

Muxuu Quraanku ka leyahay badalada ereyga Ilaahay (Swt)? iyo Sunaaha? Iyo cilmiga sayniiska ee wax eedeya?

Waxa ficaan inaad ogaato oo aad eregyga Ilaahay (Swt) barato inta aanad maalinta qiyaamaha aanad isa so hortagiin Ilaahay (Swt).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *